Help Project Optimist shine!

Donate today

“Waan u ducaynaa ” Caadada Muslimka xiliga geeridda.

In yar oo ka mid ah Soomaalidda Maraykanka ayaa buuxiya Warqadda Dardaaranak Daryeelka Caafimaadka. Wargayska Project Optimist ayaa la hadlay Qof ku taqasusay. si aan wax uga ogaano su’aalaha caadigga ah oo soomaaliddu ay qabaan markii ay buuxiyaan warqadan.

“Waan u ducaynaa ” Caadada Muslimka xiliga geeridda.
Sawirka: Tababarka Xiligga geeridda wuxuu ka mid yahay Tababarka fahanka dhaqanka Ee la siiyo ardayda baranaya kalkaasidda. si loo hubsado daryeelka qofka bukaanka Ee Muslimka ah. March 26.2025 Jaamacadda Saint Benedict Ee St.Joseph, Minn. (Erica Dischino for Project Optimist)

Dad yar oo ah Soomaalidda Maraykanka ayaa waxay leeyihiin Dardaaranka Daryeelka- Warqadaha xanbaarsan Fariinta Caafimaadka Ee bukaanka wuxuu ka doonayo dhaqaatiirta xanaanaysan.

Aaminadda ayaa ah caqabad haysata Soomaalidda maraykanka iyo dadka muhaajiriinta markii ay timaado arimaha caafimaadka oo ay ka mid tahay  Dardaaranka Daryeelka Caafimaadka. Sidda uu noo sheegay Abdalle Jama.Wadaadka dhaqanka Ee Xarunta Cafimaadka Ee CentraCare.

Lakiin  Warqadahan sharcigga ah waa muhiim si loo ogaado cida lala hadlayo, haddii uu qofku bukaanka ka ah uusan nafsadiisa u hadli karin. Talo bixintan ayaa ah tiir dhexaad wayn dhanka daryeelka caafimaadka inta badan dadka shareecadda islaamka isma qaadan karaan.

Boqolkiiba seddex ayaa lagu tilmaamaa in ay muslimiin yihiin dadka Minnesota, sidda ay sheegayso daraasadda la sameeyay sanadkii 2014. Daraasadan ay sameyeen dadka diimaha kala duwan oo ay samaysay Xarunta Daraasaddaha Ee Pew.

Abdalle Jamaa (Courtesy of Abdalle Jamaa)

Dadka ka soo badbaaday dagaalkii sokeeye Ee Soomaaliya. Waxay noloshoodda ku soo qaateen xeryo qaxooti, waxayna u soo talaabeen dhanka kale ee dunidda wadan cusub iyo dhaqan aanay aqoon. Jaamac ayaa yiri. Safaradda dhaadheer. In badan oo ka mid nasiib daro waa laga soo faa’iidaystay, waxayna ka baqayaan in mar kale ku dhacdo.

Qaar ka mid ah Bulshadda ayaa waxay maqleen waxyaabo aan wanaagsanayn oo ku dhacay qaar ka mid ah qoyskoodda ama saxiibaddood oo ay kala kulmeen Xarumaha caafimaadka waxayna ka baqayaan in arinkaas oo kale uu ku dhacay Ayuu yiri Jaamac. Dhibatooyinka badan oo soo dhacay xili hore ayaa sabab u ah wax maanta taagan.

Ku bilow tusmo, Xitaa haddii uusan dhamays ahayn.

Ha’ayadda u adeegta Bulshadda Ee Xurmaynta doorashadda  ayaa ku diyaarisay warqadaha Dardaaranka daryeelka Bukaanka kuwaas oo Luuqadda badan ku turjumay,oo ay ka mid tahay Afka Soomaaligga iyo Carabigga. Ha’yadda Xurmaynta doorashadda ayaa waqti galisay in ay ka caawiso dadka reer Minnesota iyo Horumarinta qorshadda daryeelka.

 Si kasta ha ahatee. Jamac wuxuu sheegay in warqadaha foomamka ah sidda loo turjumay aanay waafaqsanayn shaceecad islaamka. Wuxuu sanadadii la soo dhaafay ka qayb qaatay kulamo lagaga arin sanayay siddii loo hormarin lahaa Dardaaranka Daryeelka Daafimaadka.

Warqadaha waa ka turjumay lakin wax kale lagama badalin. Kooxda ayaa waxay kulmeen ka hor inta xilka la wareegin Agaasimaha Haddda Heather Thonvold.

“Aniga waxaa la ii sheegay in dadkii ka qayb qaatay barnaamijka in Warqadaha gaar ahaan bulshadda Soomaalidda ma noqon waxay ay bulshadda ay doonayeen. Ayay tiri Thonvold. Iyadda oo fariin ahaan inoogu soo gudbisay Project Optimist. Dhanka kale waxaa la go’aansaday in warqadaha lagu turjumo afka Soomaaligga. Balse waxba lagama badalin si uu uga duwanaado kuwa kale”.

Inkasta oo uu Jama ka walaacsan yahay warqadaha Daryeelka Dardaaranka Caafimaadka ee afka soomaaligga ah. Haddana wuxuu yiri waa in dadku u buuxiyaan si waafaqsan diintooda.

“Aniga waxay ila tahay in ay muhiim tahay in lala hadlo qoyska. Xili aanayn jirin wax shido ah. Ama aanay jirin wax shido ah. Oo ayan kacsanayn shucuurta,gurigana la joogo.

Waxaa jira warqado-foomam dhaadheer iyo kuwa gaagaban oo af Soomaali ah. Iyo kuwo la soo gaabiyay oo afka carabigga. Warqadaha ayaa qofka waxay u ogolanayaan in uu magacaabo wakiiladda daryeelka caafimaadka iyo wuxuu qofku rajaynayo marka ay noloshu tahay gabgabo. 



Isku beegnaanta Daryeelka Caafimaadka iyo ku dhaqanka diinta.

Diinta islaamka ayaa waxay na baraysaa in dhimasho tahay qadar Eebe. Ayuu yiri Jamaa. Marka muslimiinta waxay aamisan yihiin in ay si taxadar leh ugu fiirsadaan dhex galka Daryeelka caafimaadka iyo diinta.

Dadka Muslimiinta ah waxay qiraan shahaadada marka ay dhimanayaa ayuu yiri jamaa. Shaahadudi waa qirida imaanka.

“Waxaa muhiim ah bukaanka muslimiinta ah in yirahdaan erayga (shahaadada) ugu danbeeya iyo wax la mid ah. Wax walba oo caawin kara qofka muslimka in uu yiraahdo taas. Haddii loogu yeeri lahaa qof muslim ah ama qof shaqaale ah. In la caawiyo in uu dhinto isagga oo diin leh.

Cinwaanka warka : La kulan Dr Bashiir, oo ah dhaqtarka furay Xaruntii ugu horeysay ee uu leeyahay qof Somali ah.
Dhaqtar Bashiir Macalim wuxuu furay Xarunta Caafimaadka Ee Xayat Clinic Sanadkii 2024. Si uu ugu adeego Bulshadda Soomaalidda Ee ku dhaqan Bartamaha Minnesota. waxay ahayd caqab in uu furo xarun u gaar ah. Balse Dhaqtar Bashiir wuxuu ogaaday in ay tahay shaqo mudnaan leh.

Siddee ayay yeelan dadka qofka dhinta.

Gubista lama ogola islaamka ayuu yiri jamaa, Sababta waxay tahay in uu jirka qofka dhintay uu u dareemayo Xanuunka sidda qofka noolaa oo kale.

Nabigga Mohamed (SCW) ayaa yiri” Jabinta lafta qofka dhintay waxay la mid tahay, adiga oo jabiyay lafta isagga oo nool oo kale” jama ayaa yiri. “marka gubista waxaa loo arkaa in ay dhaawacayso jirka oo waa qalad.

Qof ka mid ah qoyska ayaa wuxuu la xiriirayaa Masaajidka si loogu diyaariyo Aaska.Sidda caadada ah qofka waxaa lagu aasaa mudo ka yar 24-48 saacadood marka uu qofku dhinto. Ayuu yiri Jaamac.

Dadka ka shaqeeya Meelaha aaska ayaa maydka u soo qaada Meesha lagu dhaqo, kuwaas oo geeya meelaha dadka lagu daahiriyo . Dad mutawac ah iyo qof qoyska ka mid ah ayaa waxay aadan Meesha uu yaalo maydka si ay u dhaqaan jirka qofka marxuunka ah. Ayuu yiri Jaamac. 

Dhaqidda maydka waa mid ka mid ah caadada. Waxaana loo sameeyay si gaar ah, Marka qoyska ayaa waxay shaqeeyaan qoyska.Oo dhaqidda maydka Sameeya. Ayuu yiri Jaamac.

Ka dibna qofka maydka ah waxaa la geeyaa masaajidka.Halkaas oo ay dadka bulshadda ah ay ku tukadaan Salaadda ( Janaasadda). “Taas waa waajib diiniyan ah, qof walba oo islaam ah waa in uu ka soo qayb galo haddii uu awoodo. Ayuu yiri. Marka waa lagu tukadaa, ka dibna qofka waxaa loo qaadaa Qabuuraha oo lagu aasaa si xushmad mudan.

Wax badan ka ogow.

Jamaa wuxuu caawin karaa bukaanka CentraCare in ay buuxiyaan warqadda Dardaranka Daryeelka Caafimaadka. Siddoo kale waxaa lala xiriiri karaa Masajidka magaladda ayuu yiri.

 

Sheekaddan waxaa qoray ama Xaqiijiyay Nora Hertel. Waxaa inoo turjumay qaar ka mid ah hadaladda Ahmed Abdi Idaacadda Soomaalidda St.Cloud. 

Sheekaddan waxay qayb ka tahay sheekooyin taxano ah oo ku saabsan Qorshaynta Geeridda. Taxanahan waxaa taageera Dhaqaale ay ku deeqday Morgan Family Foundation.

Greater Minnesota students prepare to serve grieving patients, families
The College of Saint Benedict and Saint John’s University trained nursing students how to care for dying patients and their families.

Sign up for Project Optimist's free newsletter

Get the latest headlines in your inbox once per week.