Help Project Optimist shine!

Donate today

Cinwaanka warka : La kulan Dr Bashiir, oo ah dhaqtarka furay Xaruntii ugu horeysay ee uu leeyahay qof Somali ah.

Dhaqtar Bashiir Macalim wuxuu furay Xarunta Caafimaadka Ee Xayat Clinic Sanadkii 2024. Si uu ugu adeego Bulshadda Soomaalidda Ee ku dhaqan Bartamaha Minnesota. waxay ahayd caqab in uu furo xarun u gaar ah. Balse Dhaqtar Bashiir wuxuu ogaaday in ay tahay shaqo mudnaan leh.

Cinwaanka warka : La kulan Dr Bashiir, oo ah dhaqtarka furay Xaruntii ugu horeysay ee uu leeyahay qof Somali ah.
Dr: Bashir Macalin oo dhoola cadaynaya isagga ku sugan Xarunta Cafimaadka Ee Xayaat. Bishii Abriil 18,2025. Dr. Bashir Macalin ayaa Xarunta furay sanadka 2024. (Colleen Harrison for Project Optimist)

ST. CLOUD, Minn. – Dhaqtar Bashiir Waa qofkii ugu horeeyey oo ka soo jeedda Soomaali oo ka furtay Magaaladda St.Cloud Xarun Caafimaad oo u gaar ah. 

Dr Bashiir Macalim wuxuu leeyahay oo uu maamulaa Xarunta Caafimaadka Ee Xayaat Clinic oo ku taal Cinwaanka 3405 Third St. in St.Cloud. Dhaqtar Bashiir wuxuu maraykanka yimid Sanadkii 2014 isagga oo ah Qaxooti,wuxuu ku hadlaa Af Somali,Carabi iyo Ingiriis. 

📍
Halkan ku dhufo si aad u aqriso sheekaddan iyadda oo ah afka ingiriiska ah. 

Daraasad ayaa waxay muujinaysaa in bukaanka ku hadla afka dhaqtar in ay garaan daryeelkooda caafimaad qab,is aaminaad iyo in ay ku qancaan daryeelka caafimaadka. 

Dhaqaatiirta Gobolka Minnesota shatiga haysta ayaa waxay gaarayaa 27.110. Boqolkii 1.9% ayaa waxay yihiin Afrikan. 1.6 % ayaa ku hadlaan Afka Soomaaligga. Sidda ay sheegtay baaris ay samaysay Wasaaradda Caafimaadka Ee Gobolka Minnesota.

Ubax daneeya Caafimaadka. 

Dr. Bashiir Macalim waa 39 jir, isagga oo ilma yar ah ayaa wuxuu rabay in uu noqdo dhaqtar. wuxuu ku koray Magaaladda Xamar. Somalia. wuxuu ka hoos shaqeeyay dhaqaatiir ka hawl gasha cisbitaalo si uu wax ugu wax uga barto shaqadooda.  

Wuxuu helay deeq waxbarasho in uu wax ka barto Jaamacadda Caafimaadka, wuxuuna shahaadada ka qaatay Jaamacadda Sayniska iyo Tiknoolijiyada ee Jordan. 

Nin dhoola cadaynaya xili aan waraysigga qaadaynay. Dhanka bidixda ee sawirka. Wuxuu xiran yahay shaati buluug ah oo jacket midab cawlan. Wuxuu leeyahay timo gaaban oo madow.
Dr. Bashir Macalim oo dhoola cadaynaya Anaga oo ku waraysanaya Xarunta Cafimaadka ee Xayaat Bishii April 18,2025. (Colleen Harrison for Project Optimist)

Markii uu maraykanka yimid ka dib dhaqtar Bashir Macalim wuxuu ka shaqeeyay Barnaamijka dhaqatiirta Ee Jaamacadda Minnesota Ee Centracare oo ku taal Magaaladda St.Cloud,Gobolka Minnesota,Wuxuuna ka qalan jabiyay Sanadkii 2023.  

Dr Bashir Macalim wuxuu Sanad ka shaqeeyey Xarunta Caafimaadka Ee Southway Clinic inta uusan furin Xarunka Caafimaadka Ee Xayat. 

➡️
Sheekadan waxay qayb ka tahay Barnaamijayadda ay sidda wadajir ka ah u soo saareen Project Optimist iyo Idaacadda Soomaalidda Ee St.Cloud. Sheekadda oo dhamaytiran halkan ka aqri.

Daboolidda Baahidda.

Dhaqtar Bashir Macalim wuxuu u furay Xaruntan si uu u Caawiyo bulshadda Soomaalida in ay la jaanqaadan Caafimaadka isku murgansan Ee wadanka Maraykanka. 

“ Bal waxaad qiyaasataa qof aanan waxba ka aqoon,qof aanan ku hadli karin luuqadda,qof aanan aqoon caymiskooda,qof aanan aqoon dawadooda,qof aanan garanayn Tariiqda iyo waqtigga balantoodda. Ayuu yiri. “ Waxay ila tahay markii aan la tacaalayno bukaan,waa in aan eegnaa xaaladooda guud oo aan aqoon kororsi siinaa,oo aan ogaanaa in bukaanka baahidooda duwan tahay….. aad ayay u caawinaysaa. Waana mid ka mid ah sababaha aan aragnay in maqan tahay, waana sababta ugu wayn ee aan u bilownay halkan. 

Dr Bashiir Macalim wuxuu yiri in uu ku hadlo luuqadda uu fahmi karo bukaanka waxay xaqiijinaysaa in uu hubsado in ay fahmi karaan sidda ay dawadooda u qaadan karaan. 

Xarunta Caafimaadka Ee Xayaat Clinic waxay ku dhex taal Star City Mall oo Ganaci ku leeyihiin dadka Soomaalidda. Farmashiga Caafiya ayaa ku garab yaal halkaas oo ay ka shaqeeyaan shaqaale ku hadla afaf kala duwan.

Sawirka qolka baaritaan Caafimaadka.
Qolka baarista Ee Xarunta Caafimaadka Ee Xayat Ee St.Cloud. Sawirkan waxaa la qaaday Bishii April 18,2025. (Colleen Harrison for Project Optimist)

Xarunta Caafimaadka Xayaat waxay furan tahay todobadda maalmoodba. Maalmaha fasaxa ah ee sabtidda iyo Axadda waxaa loogu talo galay dadka in ay ka helaan daryeel Caafimaad. Sidda uu sheegay Dr Bashir Macalim. 

Xaruntan waxaa laga helaa adeega caafimaadka guud,Daryeelka xanuunadda caabuqa ah,shaybaar u gaar ah, daawaynta xanuunadda sidda macaanka,dhiig karka,kolostolka.

Xarunta waxay siddoo kale bukaanka u gudbisaa dhaqaatiirta gaarka ah Ee CentraCare,St.Cloud ENT, St.Cloud Orthopedics. Raajadda RAYUS. Siddoo kale xarumaha  magaalooyinka Mataanaha. 

🫶
Taageer Xal u helidda warbaahinta ee Minnesota. Ugu deeq Project Optimist.

Abdi Noor waa 52 jir. Wuxuu aad ugu mahdinayaa Meesha ay ku taal Xarunta Caafimaadka,Saacadaha ay shaqeeyaan iyo in uu Dr Bashir uu la hadlo karo isagga oo wadan Turjubaan. 

Wuxuu Noor sheegay in ay ku soo noqnoqnaysay Borokiinto mudo seddex sano ah. Wuxuu ka raadsaday Caawimaad meelo kala duwan balse xanuunkii wuu sii socday. 

Markii aan arkay dhaqtar Bashir Macalim. Wuxuu fahmay xaaladayda,wuxuuna ugu sameyey baaritaano” Noor ayaa siddaa uu sheegay Project Optimist isagga istimaalay turjubaan.” Wuxuu sheegay in uu Dhaqtar Bashiir si wanagsan u baaray calaamadihii iyo xanuunkayga,ka dibna uu markii danbe ii gudbiyay dhaqtar ku taqaqusay Xanuunadda Sanbabadda”. 

More Somali therapists are entering the field, hoping to change the conversation around mental health
The generational divide between younger Somalis willing to seek out mental health services and their parents is a challenge practitioners are working to address.

Dhaqtarkii gaarka ahaa ee uu Noor arkay ayaa wuxuu ku sameyey baaritaano kale,wuxuuna ii qoray daawooyin. Noor wuxuu ugu mahadcelinayaa Dr bashir iyo Dhaqtarkii kale ee gaarka ahaa in caafimaadkiisa uu soo hagaagay. 

Waxaan dareemayaa Caafimaad,iyo waxaa siddoo kale igu kordhay miisaan. Ayuu yiri “ Allah ayaa mahadaa iska leh,waxaan dareemayaa Caafimaad. 

Bilowgii hore

Xarunta Cafimaadka Ee Xayaat waxaa ka shaqeeya afar dhaqtar oo uu ka mid yahay Dr: Macalim. 

Xarumaha waa wayn ee Cafimaadka wax walba waa lagu qabanaynaa. Ayuu yiri. Si kasta ha ahatee marka aad adigu leedahay Xarun-gaar ah wax walba waa in uu dhaqtarku isaggu qabsadaa. 

Dhibaato badan ayaa naga soo martay markii hore. Markii la furay Xaruntan Sanadkii 2024.  In Caymiska uu bixiyo lacagta ayaa waxay qaadataa seddex bilood. Ayuu yiri Dr: Bashir Macalin.Hawl adag ayaa iga soo qabsaday,Balse waa howl muhiimiyaddeeda leh. 

Sawirka rugta caafimaadka.
Xarunta Caafimaadka Ee Xayat Ee St.Cloud. Sawirkan waxaa la qaaday Bishii April 18,2025. (Colleen Harrison for Project Optimist)

Subax walba markii aan soo kaco,in kasta oo ay tahay shaqo badan, ma dareemo daal. Ayuu yiri. Mar walba waxaa imadaa shaqada aniga oo ku faraxsan oo diyaar u ah shaqada maalintas. Waxaan rajaynyaa in aan wadi doono waqti dheer. 

Muhiimiyadda Caafimaadka dad waynaha. 

Dhaqatiir kala duwan ayaa Xarunta caafimaad ee Xayat waqti badan ku bixiya daryeelka caafimaadka bulshadda.Caafimaadka dhimirka iyo Talaalka dhalaanka waa labo arimood oo uu aad u muhiimiyadda u siiyo Dhaqtar bashir Macalim. 

Bulshadda Soomaalidda xubno ka mid ah ayaa horey u doonan daryaal cafimaadka dhimirka, sababta dhaqanka awgiis. Dr Bashir Macalin ayaa bukaanka wuxuu ku sameyaa baaritaano kale duwan sidda CT Scans,Shaybaar iyo kuwo kale. Taas oo muujinayso in uu qofka caafimaad qabo. Haddii calamadiihii xanuunka ay sii socdaan. Waxay waqti ku qaadataa bukaanka in uu dhibka la xiriiro dhimirka. 

Dhaqtar Bashiir ayaa sheegay in uu waqtiggu muhiim yahay daryeelka guud ee caafimaadka. Inta badan waxaan haysanaa 20 daqiiqo booqashada qofkiiba, waana ay adag tahay in bukaanka lagu garto.Gaar ahaan markii la isticmaalyo turjubaan haddii uu seddex wada hadal ay socdaan.mararka qaarna waxaa lumi kara warbixinta. Mararka qaar waxaa adag in waxa walba la daboolo oo laga hadlo. Waxay ila tahay in ay arinkan inaga fursad na siiyo dhanka xiriirka ee isfahanka. 

How Wisconsin launched a rural medical school
Wisconsin may have some insight officials can use with the University of Minnesota’s new medical school in St. Cloud, set to open in 2025.

Waalidka caruurta mararka qaar waxay muujiyaan walaaca ay ka qabaan Talaalka Jadeecadda,qaamo qashiirka iyo Jadeeco jarmalka.( MMR)  Talaalku ma sababo Maangaarka 

( Autism) balse warka qaldan ayaa meel walba yaal. Ayuu yiri Dhaqtar Bashir. 

Waxaan siiyaa warbixino ku salaysan xaqiiqda. Waxaan u sheegaa in dhalaanka dhamaantood la siiyo talaalk MMR. Marka laga reebo kula aanan dhaqtarka u iman barista koobaad. Waxaan u sheegaa in ay haystaan warbixin qaldan oo ku saabsan Talaalka MMR. Waxaan ogahay dad ku nool wadanka dibadiisa kuwaas oo haysta caruur qabta Maargaar ( Austism) caruurta aanan lagu dhufan Talaalka MMR. Marka waxaan dadaalnaa in bulshadda tusaalyaal u soo qaadno oo wacyi galiyo ama waxbaro. 

Xarunta Daryeelka Caafimaadka ee Xayat Clinic waxay ka qayb qaadataa Barnaamijka Talaalka caruurta Ee Gobolka Minnesota. Minnesota Vaccines for Children Program 

Waxbaridda Filka xigga. 

Dr Bashir Macalim wuxuu doonayaa in uu garab istaago oo uu caawiyo dhalinyaradda baranaysa Caafimaadka oo danaysa Aqoonta Caafimaadka. 

Markii ay Project Optimist iyo St.Cloud Somali Community radio ay waraysteen Dr. Macallin bishii April. Wuxuu yiri afar arday oo  barta Caafimaadka ayaa waxay kaltan u yimaadaan Xarunta Cafimaadka.Waxaa intaa dheer, Afar arday oo ka soo qalin jabiyay Jaamacadda Caafimaadka ayaa wax ka bartaan dhaqtarka.Seddex ka mid ah waxay jiraan Tababarka barnaamijka dhaqatiirta.

“ Aniga waxay ila tahay sideeddii bilood ee na soo dhaafay waxaan qabanay wax wayn, ayuu yiri Dhaqtar Bashiir.

Sheekadda waxaa inaga caawiyay deeqda dhaqaale ee Minnesota Press Forward. Nora Hertel ayaa qortay oo hubisay xaqiiqda sheekaddan. Waxaa inoo turjumay qaar ka mid ah hadaladda Ahmed Abdi Idaacadda Soomaalidda St.Cloud. 

Sign up for Project Optimist's free newsletter

Get the latest headlines in your inbox once per week.